Goobjoog

Mas’uul Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Gaalkacyo Lagu Dilay

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in dambley hubeysan ay ku dileen mas’uul ka tirsan, wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland. Marxuumka la dilay ayaa waxaa…

Mas’uul Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Gaalkacyo Lagu Dilay

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in dambley hubeysan ay ku dileen mas’uul ka tirsan, wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wararka ayaa intaas ku daraya in kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxday, kadib markii falku geysteen.

Ciidanka ammaanka Puntland oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa sameeyay baaritaanno ku aadan, walow ilaa iyo hadda aan la sheegin cid loo soo qabtay mas’uulka lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments