Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa haraadiga walxaha qarxa oo caruur walaalaha kula qarxaday deegaan hoos taga gobolka Togtheer, kadib markii caruurtaas ay ku ciyaareen, taas oo keentay inuu qarax ka dhaco boobta, caruurta ayaa ahaa kuwa xoolo jiray sida ay sheegayaan wararka.
Dhacdadaan ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday Habuura iyo Sibidhley ee xuduudka Togdheer, kadib markii caruurtu ay ciyaareen qaraxa oo ahaa miino, waxaana durba gurmad u fidiyay ehlkooda, kuwaas oo usoo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togtheer.
Caruurta walaalaha ah oo xoolo ku maqnaa ayaa goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku naf waayay mid amid ah 3-da caruurta ah, halka ay dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Burco ee gobolka Togtheer, qaraxa ayaa ahaa mid yaallay oo caruurtu garaaceen.




From the comments