Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay suurto galnimada in dagaalka u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka aysan suurto gal ka dhigeyn in ay isticmaasho hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, iyadoo Xukuumadda Moscow, ay meesha ka saartay in Dagaalka kala dhaxeeya Ukraine uusan sabab u noqon Karin isticmaalo Hubka halista ah
Diblumaasi ka socday Ruushka oo Talaadadii shalay hadal ka jeediyay Shir looga hadlayay ka hortagga faafidda Hubka halista ee Nukliyeerka, “ wararka ku saabsan in Ruushku uu isticmaalayo hubka Nuclear-ka, gaar ahaana uu u adeegsanaayo Ukraine, waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”ayuu yiri Diblomaasiga.
Waxaa xusid mudan markii uu bilowday weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu heegan sare galiyay Hubkiisa Nuclear-ka, taasi oo suurta gal ka dhigeeysa in markasta uu diyaar u yahay inuu isticmaalo, taas oo qalqal; badan ka abuurtay dunida iyop cabsi laga muujinayay arrintaas.




From the comments