Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaanno dhowr, kuwaas oo hoos taga gobolka, waxaana saraakiisha howlgallada hoggaaminaysay ay sheegeen in ay burburiyeen fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab.
Degaannada ciidanku howllada ku gaareen ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa ay horay u joogeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga gobolka, Baladul Amiin, Buulo Cadey,Buulo war muusow,Buulo jamal eenow ayey ciidanku ku gaareen howlgallada ay fuliyeen.
Taliyaha Ururka 64-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Cabdullaahi Halac oo Howlgalka Hogaaminayey ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay burburiyeen, Fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab iyo goob u aheyd, waxaana uu sheegay in howlgallada socda ay siiwadi doonaan ciidanka.




From the comments