Goobjoog

Xubin Ka Tirsan Alshabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga

Ciidanka xoogga dalka qeybtooda 60-aad ee kusugan deegaannada maamul goboleedka Soomaaliya ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay xibin ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macallin Yuusuf oo muddo…

Xubin Ka Tirsan Alshabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga

Ciidanka xoogga dalka qeybtooda 60-aad ee kusugan deegaannada maamul goboleedka Soomaaliya ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay xibin ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana  magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macallin Yuusuf  oo muddo ku jiray.

Ibraahim wuxuu Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha joogatada ah ee xoola dhaqata, siduu u sheegay warbaahinta qaranka.

Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen Baydhabo.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments