Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal habeenimadii xalay ciidanku ay ka sameeyeen degmada Kaaraan gobolka Banaadir, kaas oo ka dhan ahaa ciyaal Weerada iyo kooxa burcada ah ee dhaca u geysta dadka, degmada waxaa ay shacabku cabasho ka muujiyeen amni xumada ka jirta iyo in ay saldhig u noqotay ciyaal weerada iyo kuwa kale.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay lagu qabtay in ka badan 74 ruux, kuwaas oo uu ku tilmaamay ciyaal weero iyo burcad kale sida uu hadalka u dhigay, waxaa kale uu xusay in lasoo qabtay hub badan oo ay isticmaalayeen, kaas oo u badan Tooreeyo oo ciyaal weerado dilalka iyo dhaca ay ku geystaan.
“Howlgalkii la sameeyay waxaa lagu soo qabtay ilaa iyo 74 qofood oo ciyaal weero u badnaa iyo ilaa iyo midiyo gaaraya 51 xabo oo aan horay loo arag, midiyahaas oo ah kuwa casi ah, loogu talo galay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gobolka Banaadir waxaana ka sameyn doonaa Diiwaangelin ama xoojin” ayuu yiri afhayeenka Booliiska.




From the comments