Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayay koox burcad ah oo jilgooyo dhigtay waxaa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, kooxdaan ayaa dadka safarka ah ku dhibijiray, ciidanka ayaa sidoo kale howlgal kale ka sameeyay wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee isla gobolka.
Howlgalkaan ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii kooxaha burcadda looga sifeyn lahaa wadooyin oo marin muhiim u ah dadka u kala safaraya Koonfurta iyo iyo Waqooyiga Soomaaliya, waxaana howlgalkaan hooggaaminaayay Abaanduulaha ururka 3-aad qeynta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee deegananada Hirshabeelle Gaashaanle Ismaaciil Kuulow Toorey.
Taliyaha ayaa sheegay in ay howlgalladaan sii wadi doonaan inta ay kasoo afjarayaan kooxdaan burcada ah ee caadeysatay in marweliba ay jid gooyo dhigtaan wadooyinkaan isku xira magaalooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay oo marin muhiima u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka u kala safraya maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo maamulka kale ee Galmudug.




From the comments