Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar maanta ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay uu uga bilowday safar uu marayo wadamada gobolka, waxaana lagu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale duwan.
Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, iyadoo labada dhinac ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal, kaas oo muddooyinkii dambe aan wanaagsaneyn iyo arrimo la xiriira fasixitaanka Qaadka oo istaagay kadib khilaafkii labada dowladood
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, kadib safarkii madaxweynaha uu Kenya ku tagay.










From the comments