Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa maanta jimca ah geeriyooday, kadib markii la toogtay xilli uu la hadlaayay taageerayaashiisa, waxaana la sheegayaa inuu toogtay qof indhaha soo xirtay, waxaana Abe soo gaaray dhaawac, kaas oo geenay inuu u geeriyooday.
Raysalwasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa laba jeer qoorta laga toogtay mar uu khudbad ka jeedinyay magaalada Nara maanta oo Jimce ah, ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin lagu tuhusan yahay inuu fuliyay dilka hoggaamihii hore ee dalka weynaha Japan Abe,
Wuxuu ka qeybgalayay olole siyaasadeed markii qof ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta uu rasaas ku ekeeyay Abe oo masraxa saarnaa, waxaana muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan in isaga oo hadlaya mar qura rasaastu dhacday, waxaana soo gaaray dhaawac daran uu u geeriyooday.




From the comments