Nin Soomaali ah oo muddo 17 sano ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga, balse markii dambe lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay ayaa saaka lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.
Cumar Xaashi Xasan ayaa dhintay kadib markii gaari uu watay loogu xiray walxaha qarxa uu ku qarxay degmada Dharkiinley .
Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee dalka Talyaaniga ayaa sii deysay Cumar Xaashi Xasan, 19-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii, kaddib markii ay caddaysay in si qalad ah loogu xukumay.





From the comments