Goobjoog

Nigeria: Nin Sheegay In Nabi Ciise Uu Imaanayo Bisha April oo La Xiray

Booliiska Ondo ee dalka Nigeria, ayaa xabsiga u taxaabay nin baadari ah oo maamulayay kaniisad ku taalla gobalka Ondo, kadib markii kaniisadda laga soo saaray dad u cabadan caruur iyo…

Nigeria: Nin Sheegay In Nabi Ciise Uu Imaanayo Bisha April oo La Xiray

Booliiska Ondo ee dalka Nigeria, ayaa xabsiga u taxaabay nin baadari ah oo maamulayay kaniisad ku taalla gobalka Ondo, kadib markii kaniisadda laga soo saaray dad u cabadan caruur iyo haween  kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jiray baaderiga.

Baadarigaan ayaa loo xiray kadib markii dadka uu u sheegay in nabi Ciise uu imaanayo bisha April ee aan soo dhaafnay, taas oo sababtay in ay dadka ay dacweeyaan.

Ninka ayaa sidoo kale sheegay in maadama uusan i maan bisha April uu filayo in uu imaado bisha September ee sanadkaan 2022.

Dhacdadaan ayaa waxaa booliiska la wadaagay haweeney kamid ahayd dadka loo sheegay beenta.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments