Xasan Maxamuud Maxamed, agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group ayaa tacsi u diray Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Tubta Nabadda kaas oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
Aagaasimaha Goobjoog Xasan Maxamuud oo ka hadlayey geerida waxaa uu yiri “Rabiyow u naxariiso, Cabdullahi Maxamed Shirwac, innaga samir inaga sii, waxaad naga dhex saartay qof qof qaali ku ahaa agteena, allow agtaada ku sharaf, waxaan kaa baryaa inaad ku casuunto janada waasica ah, ummada Soomaaliyeed waxaa ka baxay tiir dhexaad”.
Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa waxaa uu ka tirsanaa weriyeyaasha Goobjoog TV, isaga oo sanado badan soo jeedinayey barnaamijka OGAAL.




From the comments