Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Aabe subaxnimadii saakay ilmo uu dhalay ku dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dilka uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Israac ee Waqooyiga magaalada, dilka ilmaha ayaa waxaa loo adeegsaday Tooreey, sida Goobjoog News uu u sheegay qof degan xaafadda.
” Wiilasha sida xogta nagu soo gaartay, saakay waxaan maqalnay in gacanta aabahood ay sababsadeen, Aabahaas oo lagu sheegay Aabe miyirkiisu aan taam aheyn oo maandooriye iyo wax lamida ah uu isticmaalay, Ilmaha maamo ayeeyadood ah ayaa haysatay uu kasoo waday sidaas ayuu ku gowracay” ayuu yiri qof la hadlay Goobjoog News
Da’dooda ayaa lagu sheegay laba caruur 8 jir iyo 7 jir, waxaana magacayadooda lagu sheegay Sakariye Axmed Cali iyo iyo Idiris Axmed Cali, waxaa ay la noolaayeen ayeeyadood, waxaa sidoo kale dadka deegaanka ay inoo sheegeen in reerku ahaa mid ladan oo ay jirin duruufo nololeed oo haystay sababna u noqon kartay.




From the comments