Gollaha ammaanka ayaa si kulul war uga soo saaray weerar ay al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo lagu dilay in ka badan 40 ka tirsan askarta ATMIS ayaa dhacay 3-dii bishaan May, kuwaas oo u badna ciidama ka soo jeeda dalka Burundi.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay DFS iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta Alshabaab. Waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo kor u qaadista tayada taageerada Ciidamada Amniga iyo ATMIS-ka Soomaaliyeed.




From the comments