Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta la kulmay saraakiisha howlgalka ATMIS, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya amniga dalka.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga doorashada madaxweynaha oo dhowaan ka qabsooomi doonta caasimadda, maadaama maanta Baarlamaanku ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada.
Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika Fiona Lortan, ku-xigeenka taliyaha ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, Iyo Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta ( Sector One) ee ciidanka ATMIS.




From the comments