Goobjoog

Ciidamada Xoogga oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsan Al-shaab oo Isku Dhiibay

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay…

Ciidamada Xoogga oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsan Al-shaab oo Isku Dhiibay

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin ka tirsanaa  Al-Shabaab oo ay sheegeen in  uu isku soo dhiibay dhankooda.

Maxamed Maxamuud Fanax  ayaa ahaa xubin ka tirsan Al-shabaa, waxaana uu  ka howlgeli jiray degmada Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana waxaa muddo 5  sano ah  la shaqeynayay  Al-Shabaab, isaga oo qaabil sanaa jabhada gobolada.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 60-aad ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhankooda isku soo dhiibay, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Maxamuud Fanax oo maanta iska  dhiibay gobolka Bay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments