Goobjoog

Alshabaab oo Iska Fogeysay Qorshaha Beegsiga Farmaajo iyo Rooble

Al-shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaana ay si cad u sheegeen in aanu…

Alshabaab oo Iska Fogeysay Qorshaha Beegsiga Farmaajo iyo Rooble

Al-shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaana ay si cad u sheegeen in aanu jirin shaqsi lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan Al-shabaab, sida ay ku sheegeen qoraal lagu daabacay  bartooda.

Al-shabaab ayaa dhan kale sheegay in hadalka kasoo baxay hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka NISA uu yahay qorshe ay iyadu wadato sida ay hadalka u dhigeen, waxaana intaas in hadalkaas ay keentay mushilad ka jirta dhexdooda  uu yahay qorshe ay NISA abuurtay sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay ee lagu faafiyey barahooda.

Hadalaka kasoo baxay Al-shaabaab lagu  beeniyeen hadalkii NISA, ayaa kusoo aadayaa iyadoo ay hey’addu ay baahisay qorshe la damacsan yahay in lagu khaarijin rabo madaxda dalka ugu saraysa, waxaana la ogaa in Al-shabaab horay u beeniyeen dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Farax oo lagu eedeeyey in ay dileen xubno NISA ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments