Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Larry Andre ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambayay ee amniga iyo doorashooyinka dalka.
Larry ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay taagerayso howlaha nabadda ee Soomaaliya, si loo gaaro xasillooni iyo barwaaqo.
“Waxa aan taageereynaa kuwa doonaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA.




From the comments