Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirar muhiim ah kula leh madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.
Wasiirka ayaa sheegay in shirarkan diirada lagu saarayo horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin, waxaana shirku sii socon doonaa maalmaha soo aadan.
“Magaalada Washington, waxa aan shirar muhiim ah kula qaadanayaa masuuliyiinta Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka sida Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalmaha soo socda aan ka wada hadli doonno dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle, kadib kulankii uu la qaatay IMF iyo Would Bank.




From the comments