Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee MuqdishoCumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo haatan si guud uga socda Caasimadda dalka, isaga oo sheegay inuu dhibaatooyin badan uu sababo.
Munaasabad kooban oo ka dhacday deegaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Gobolka Banaadir, Agaasimayaal ka tirsan dowladda hoose ee Xamar, saraakiil Amni iyo qeybaha bulshada rayidka oo kasoo qeyb galay musaabadda ka dhacday deegaanka, waxaana uu yiri Cumar Filish xili uu ka hadlaayey goobta munaasabadda.
” Waxaa ay soo heleen haweeney 80 iyo dhowr sano jirta ee gadaysa oo iibinaysa, arrintaas waxaa ay ku tusinaysaa khatar jirta oo bulshada dhan saamayn ku leh in ay tahay, aniga waxaa iiga dhex muuqda meeshaas, dhallinyaradii waxaas ka ganacsan jiray in ay xirfad badasheen oo is dhaheen dadka waaweyn laga baarimaayo ee ayaga haloo dhiibo, oo haweenaydaas waayeelka ah lagu qalday, aniga sidaas ayey ila tahay, khataruhu dhinac waliba waa naga soo galayaan”.




From the comments