Qoyska gabar dhaqtarad aheyd oo gudaha magalaada Garowe ugu geeriyotay rasaas ay isku ridayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in aan wali lagala hadal kiiska gabadhooda welina aysan jirin cid qaabishay qoyska.
Naabaddoo Abshir Cali Halow oo ka tirsan qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato oo geeriyootay Garowe ayaa waxaa uu sheegay in aysan wali jirin cid kala hadashay, waxaana uu xusay inaan loo ogolaan in ay tagaan madaxtooyada maamulka.
Marxuumad Maryan ayaa waxaa ay ku baxday gacanta ciidamada gaarka ilalada madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, xili ay socotay goobta, waxaana taliyaha Booliiska Nugaal oo la hadlay BBC-da uu sheegay markaas in la qaabilay qoyska gabadha.




From the comments