Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey safarkiisa iyo siisadda ka taagan magaalada ee ka dhalatay safarkiisa gudaha magaalada uu ku taga.
“Aad ayaan ugu qanacsanahay sida diiran aad iigu soo dhoweyseen aniga iyo wafdiga ila socday magaalada, hal qof oo reer Hirshabeelle ah in ay wax naga gaaraan ama ay naga dhaawacmaan marabno, waa inaan isisoo horfariisano aan wadahadalno waa aan daawoobaynaa, tabasho kasta oo jirtana xal waa la helaa haddii Allah idmo”ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Sidoo kale isagaa oo sii hadlaayo ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan hortiina ka cadeeyo cid kasta oo wax tabanayso inaan la fariisayno, tabashada ay qabto haddii mid deegaan ay tahay, mid qabiil ama mid qoys tahay waan ka qancin doonaa, haddii Rabi raali ka noqdo, aan warano waa aan walaalo noqono, dadkaan dalka ayaa ka dhaxeeyo deegaanka ayaa ka dhaxeeyo, dowladnimaa ka dhaxeyo walaalnimo ayaa ka dhaxayso”.




From the comments