Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaa hadda ka socda isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo doodda baarlamaanka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland.
Kumanaan dadweyne ah oo ay ku jiraan caruur iskuuleey ah ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka magaalada Hargeysa iyagoo lulaya calanka Somaliland iyo UK iyagoo ku baaqaya gooni isu taaga Hargeysa oo ay sheegeen inay muddo dheer dib u dhacday.
Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo mooshinka doodda ah ka keenay hoolka baarlamaanka UK, ayaa lagu ammaanay sida uu ugu adkaysanayo aqoonsi raadinta maamulka magaalada Hargeysa .




From the comments