Magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada 5 kursi oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11 ee golaka shacabka Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka heer federal ee maamulka Puntland ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan gelinta murashaxiiinta ku tartamaya 5 oo ah kuwii ugu horeyey ee lagu doorto Garowe.
Kuraasta maanta lagu dooranayo Garowe ayaa waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#196, HOP#166, HOP#249, HOP#200 iyo kurisga HOP#235.




From the comments