Todobaad gudahiisa ilaa saddex qarax ayaa ka dhacday caasimadda Muqdisho, in ka badan 15 ayaa ku dhimatay, waxaana sidoo kale jiray khasaare hanti, sidaas ay tahay dalku waxaa sii socda khilaaf u dhaxeysa hey’adda fulinta gaar ahaa xafiiska madaxweynahii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble, oo ma jirto saansaan ay qaraxyada ku istaagi karaan.
Haddaba, Maxaa keenay qaraxyadan, sababta ay u tiro bateen iyo maxaa xal ah ayey Goobjoog News hordhigtay madaxa machadka amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud.
Xuseen Macalin oo horay usoo noqday lataliyaha amniga ee madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh waxaa uu qabaa in Al-shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, iyada oo ay badnaayeen aaggaga amniga.




From the comments