Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Eretria in ay si deg deg ah oo bilaa shurud ah u sii deyso Wariyayaal iyo siyaasiyiin la xiray 20 sano ka hor.
Bayaan ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in 21 qof oo isugu jira siyaaiyiin iyo wariyayaal ay xirtay dowladda Eretria intii dhaxeysay 18kii ilaa 23kii Sebtember 2001.
“Waa wax aan la fiirsan karin in maxaabiistan geesiyaasha ah ay weli ku jiraan xabsi 20 sano tan iyo markii loo xiray in ay u doodaan xuquuqdooda, ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Eretria oo ku saabsan duruufaha ay hadda ku sugan yihiin,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasime Goboleedka Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.




From the comments