Diyaaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yamen ayaa duqeyn ka fulisay gudaha garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga sida ay sheegen xulafada uu horkacayo Boqortooyada.
Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha sida lagu cadeeyay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xulafada Sacuudiga uu horkacayo ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta Yamen.
Bayaanka ayaa sidoo kale sacuudiga ku sheegay in garoonka lagu soo qaaday weerar labaad balse ciidamada ay dhexda ka qabteen diyaaraddii weerarka soo qaadday.




From the comments