Samsam Ibraahim Cali waxaa ay aheyd Senator ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka 10-aad, waxaa ay aqalkaas guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, waxaa kale oo guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka.
Mar ay maanta la hadashay baarlamaanka Koonfur galbeed waxaa ay sheegtay in ay kasoo shaqeeyey oo taageertay dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta, hadda mar kale ayaa Senator loo doortay baarlamaanka 11-aad.
Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81 , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay cod 4.




From the comments