Waxaa baaaqday shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo maanta sabti ah lagu waday magaalada Muqdisho in uu ka furmo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka kadib markii uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxda dowlad gobaleedyada ayaanan intooda badan ku sugneyn magaalada Muqdisho kuwaas oo ka soo dib dhacay shirka.
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku sugan muqdisho halka madaxda kale ay weli joogaan deeganadooda marka laga reebo madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo safar ku jooga dalka Turkiga.




From the comments