Goobjoog

Nin Soomaali Ah Oo Weerar Dad Ku Dilay Ka Fuliyey Magaalo Ku Taallo Dalka Jarmalka

Wararka ka imaanaya dalka Germalka ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku dhaqan uu weerar ay dad ku dhinteen ku qaaday xilli ay ku sugnaayeen waddooyinka waaweyn ee magaalada…

Nin Soomaali Ah Oo Weerar Dad Ku Dilay Ka Fuliyey Magaalo Ku Taallo Dalka Jarmalka
Police officers secure the city center in Wuerzburg, southern Germany on June 25, 2021. – Several people were killed and others injured on Friday, June 25, 2021 in an attack in the southern German city of Wuerzburg, police said. (Photo by Karl-Josef Hildenbrand / dpa / AFP) / Germany OUT

Wararka ka imaanaya dalka Germalka ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku dhaqan uu weerar ay dad ku dhinteen ku qaaday xilli ay ku sugnaayeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Würzburg.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku dhimatay weerarka uu ku qaaday muwaadinka Soomaaliyeed dad marayay waddooyinka magaalada Würzburg ee dhacda dalka Jarmalka .

Ninkan Soomaaliga ay oo la sheegay in uu jiro 24-sano ayaa weerarkan u adeegsaday Mindi halkas oo uu dad kalena ku dhaawacay .

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ninkan oo ka ordaya booliska magaalada Würzburg oo eryanayay xilli uu galaaftay nolosha dad ku sugan bartamaha magaaladaas.

Booliska dalka jarmalka ayaa sheegay in ninkan uu yahay Soomaali, xilli uu xirna markii uu weerarka qaadayay Af-saabka loogu tala galay in looga taxadaro xanuunka Corona .

Goobjoog News 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments