Kulanka kooxda G7 ayaa saacadihii tagay lagu soo qaaday xaaladda gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya isaga oo la dhalceeyey waxa ka socda.
Charles Michel oo madax ka aha golaha Yurub oo arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in xaaladda Tigreyga ay ku jirtay ajendaha G7.
Michil waxaa uu intaa raaciyey in lasoo qaaday qalalaasaha 7 bil jirsaday, waxashnimada, isir tirtiridda, ku tumashada xuquuqul insaanka iyo barakaca kumannaan aan waxba galabsan iyo weliba abaarta abid ugu darneyd ee gobolkaas ka dhacdo.




From the comments