Aqoon iswaydaarsigaan oo ku saabsanaa kor u qaadida kaqaybgalka siyaasada haweenka ayaa lagu qabtey magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.
Qaybaha bulshada oo kakooban Haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka qaybgaley aqoon kororsiga waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan ee ka qayb galey ay wadaageen talooyin iyo fikradu ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahey doorka siyaasada ee haweenka soomaaliyeed gaar ahaan haweenka Galmudug.
Hay’adaha Eisa iyo community relief centar CRC ayaa iska kaashadey qabashada siminaarkaan waxaana goobjoog ka ahey maamulka degmada Hobyo.





From the comments