Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goordhaw askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil halkaas ugu geystay qof shacab ah .
Askariga ayaa dilka geystay kadib markii uu muran xoogan dhex maray marxuumka la dilay iyo Askariga, wararka ayaa sheegaya in qofka la dilay uu ahaa qof dhimirka looga jiro .
Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sidoo kale sheegaya in dilka uu dhacay xilli ay ciidamada ay ku jireen howl gal amni xaqiijin ah .




From the comments