Goobjoog

Shirka Doorashooyinka Oo Maalinti Afaraad Muqdisho Ka Socda iyo Rajo Laga Muujiyay

Waxaa maalintiisi Afaarad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul…

Shirka Doorashooyinka Oo Maalinti Afaraad Muqdisho Ka Socda iyo Rajo Laga Muujiyay

Waxaa maalintiisi Afaarad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka .

Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo .

Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in  ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay .

Saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa dhankooda sheegay in ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan wax dhamaan heshiis lagu yahay .

Goobjoog News 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments