Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Galkacayo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhina Galmudug.
Qaraxan inta badan jugtiisa xaafadaha magaalada laga maqlay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Embassy oo ku yaalla gudaha magaalada .
Taliska ciidamada booliiska magaalada Galkacayo ayaa sheegay in Rag watay jaakad laga soo buuxiyay waxyabaha qaraxa oo saarnaa moota Bajaaj uu la qarxay qaraxii ay wateen sida ay hadalka u dhigeen .




From the comments