Madaxa midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in ergayga wada haddalada Soomaalida loo magacaabay madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama, ninkan ayaa hoggaamin doona wada hadal dhex mara mucaaradka iyo Farmaajo.
Mr. Moussa Faki ayaa ugu baaqay kooxadaha Soomaalida iney la shaqeeyaan ergaygiisa si loo gaaro xal wadar ogol, oo raalli laga wada yahay si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhaco.
“Guddoomiyaha Guddiga wuxuu ugu baaqayaa daneeneyaasha Soomaaliya inay si hufan uga wada xaajoodaan, oo ay ka hor mariyaan danaha Soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed raadinta xal loo wada dhan yahay oo ku saabsan xiisadda doorashada” ayuu yiyo Faki.




From the comments