Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World ayaa waxaa ay $1 billion ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.
DP World oo khamiistii heshiis la gashay wasaaradda gaadiidka Itoobiya ayaa waxaa la isku afgartay in ay shirkadda dhisto Dekad qalalan, Sowmacad, Bakhaarro, meel containerada la dhigo, meelo diirran ama wax lagu qaboojiyo ama xataa meel nadaafad.
DP World ayaa hadda waxaa ay waddaa mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii.




From the comments