Dalalka la isku dhaho G7 oo shir yeeshay ayaan ka hadlay xaaladaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto.
Dalalkan Canada, France, Germany, Italy, Japan, the UK iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalladii ka dhashay muddo kordhinta ay sameysteen baarlamaanka iyo Farmaajo iyaga oo sheegay iney saameyn ku yeelatay xaaladda banii’aadnimo, keentana wiiqidda kalsoonida lagu qabay hoggaanka Soomaalida, khatarna gelisay xasiloonida iyo Mustaqbalka Soomaaliya.
Dalalkan ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka ee 1-da May ee lagu soo nooleeyey heshiiska doorashada September 17 iyaga oo ku celiyey iney kasoo horjeedaan muddo kordhinta iyo doorashooyin hal dhinac ah ama isbarbar socda.




From the comments