Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo kordhinta labada sano ah ee uu iskiis ugu dhufsaday todobaadkii hore kala kulmay go’doomin dhanka reer galbeedka ah ayaa si uu suuqgeyn cusub ugu helo, waxaa uu haatan booqasho labo maalin ah ku joogaa Kinshasa, oo ah caasimadda Democratic Republic of Congo (DRC).
Farmaajaha go’doonsan, Kinshasa uma tagin inuu madaxweynaha dalkaasi Felix Tshisekedi kala hadlo xiriirka labada dal, ganacsi ama isu dhowaanshiyo siyaasi ah, ee waxaa uu u duulay inuu madaxweyne Felix Tshisekedi oo February uun sanadkan loo doortay madaxa midowga Afrika ugu suuqgeeyo, kana iibiyo muddo kordhinta aqalka sare, maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaadadda Soomaaliya ay sharci darrada ku tilmaameen ee labada sano, taas oo qeyb ka mid golaha shacabka ay 12-kii bishan siiyeey Farmaajo iyo maamulkiisa.
Inuu Farmaajo Afrika aado, waxaa ay timid kadib markii uu cadaadis kala kulmay beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo midowga Yurub oo ka horyimid muddo kordhinta, iyada oo ku adkeysigana arrinkan ay ugu goodiyeen isaga iyo saraakiil kale oo maamulkiisa ah iney cunaqabateyn doonaan.




From the comments