Warbixin ay kooxda xasaradaha kasoo saaree xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhibaatada siyaasadeed ee muddada dheer ka jirtay Soomaaliya ay gashay waji cusub, oo qatar ah kadib markii kulan ay isugu yimaadeen golaha shacabka 12kii Abriil ay si aqlabiyad leh ku taageeray hindise sharciyeed dib u dhigaya doorashooyinka labo sano, taas oo ka dhigan in loo kordhiyo waqtiga xafiiska Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”.
Warbixinta ayaa lagu xusay in tallaabadan ay tahay mid cabsi leh oo sii kordheysa khilaafka, keeni kartana rabshado kadib markii mucaaradka go’aansadeen iney dhisaam dowlad bar-bar socota midda federaalka ah, waxayna ayna soo jeediyeen in lagu noqdo miiska wadahadalka.
Qoraalka ay ayaa lagu sheegay in saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ay u istaagaan abaabulidda – iyo hoggaaminta – wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad ku aaddan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca., iyada oo intaas lagu daray in dhammaan jilayaasha dibadda ina diyaar u noqdaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku raacsan yahay oo horay loogu socdo.




From the comments