Waxaa weli isa soo taraya falcelinta ka dhanka ah muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo Goobjoog News oo uga warramay sharci ahaan muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyeen Farmaajo ayaa sheegay in aaney dastuuri aheyn, oo Farmaajo isa siinayo awood aanu laheyn.
‘”Farmaajo waxaa awood madaxweyne la siiyey February 8, 2017-kii, waxaa loo igmaday afar sano oo ku eg February 8, 2021, xilligaas ka hor muwaadin jiray ayuu ahaa, oo ma sheegan karin madaxweyne, xaq uma laheyn, hadda waa sidaas oo kale, ma sheegan karo, hadda xaq uma leh, hadda xaq uma leh, baarlamaan ma siin karo, baarlamaan waqtigiisu dhammaaday waxba ma kordhin, boob weeye, waa nin xoog ku fadhiya guryihii madaxtooyada la oran jiray oo saraha iska ah”.




From the comments