Ugu yaraan 557 qof ayaa lagu dilay banaanbaxyadii ka dhacay Myanmar tan iyo markii Afgambi Militari xukunka lagaga tuuray dowladdii rayidka Feb1, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee hay’addaha u dooda xuquuqda.
Warbixinta ay soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in 2,658 qof ay hada kujiraan xabsiyada, halka ugu yaraan 235 kalena loo diray waaran soo qabasho.
Dibadbaxayaashu waxay buuxiyeen jidadka Myanmar muddo ka badan laba bilood oo ay ka soo horjeedaan afgembiga, iyo xarigga Aung San Suu Kyi, lataliyahii ugu horreeyay ee gobolka, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigeeda National League for Democracy, oo ku guuleystay doorashadii Nov. 2020.




From the comments