Warbixin ay si wadajir ah usoo saareen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Covid 19 dartii ay Soomaaliya khasaartay $186 Milyan halka kobaca dhaqaalaha oo la filayey 4.4% uu gaaray hoos ilaa 1.5%.
Qiimeyntan oo ay soo saareen wasaaradda qorsheynta ee dowladda federaalka ah iyo hey’adda qaramada midoobey ee UNDP ayaa sheegay in saameynta abaartii 2017-kii la sii dareemi doono sanadaha soo socda.
Sida warbixinta ku qoray, isla Covid 19 dartii, Soomaaliya waxaa kale oo ka luntay fursad kale oo ay ku sameyn kartay kobac dhaqaale oo gaaraya ilaa US$ 300 million.




From the comments