Goobjoog

Baarlamaanka: Ajandihii Shalay Fashilmay Oo Markale La’isugu Yeeray Xildhibaanada

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa markale Isugu yeeray xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii uu Fashilmay Kulankii Shalay . Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariin ah in ay soo xaadiraan kulanka…

Baarlamaanka: Ajandihii Shalay Fashilmay Oo Markale La’isugu Yeeray Xildhibaanada

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa markale Isugu yeeray xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii uu Fashilmay Kulankii Shalay .

 

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariin ah in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka berri oo Isniin ah , iyadoo kulanka looga hadlayo Ajendahii Shalay Fashilmay ee Covid-19.

Subaxnimada Isniinta 9:00 ayaa la balamiyay xildhibaanada, Fariinta loo diray ayaana ah sidan :

M.ne Xil Beri oo Isniin ah oo ay Tar 29 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Caabuqa COVID19
2. u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha
Saacadu waa 09:00 subaxnimo.
Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaar kood diiden Ajendaha Kulanka oo ahaa ka hadalka Covid-19 .
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xalay 15 Xidhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Shaqada ka joojiyay, isagoo sheegay in xildhibaanadiisa ay ka dambeeyen in uu shalay baaqdo Kulankii Baarlamaanka

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments