Sharma’arke Cabdinuur Weheliye oo ahaa Cameraman ka tirsan warbaahinta Goobjoog ayaa ayaa waxaa xalay fiidkii dhaawac u geystay askar ku sugneyd isgoyska Siinaay ee waqooyiga Muqdisho.
Sharma’rke oo xabad ka dhex martay caloosha qeybta micnicirka iyo gacan ayaa lagu daaweynayaa mid ka mid isbitaallada Muqdisho, waxaa uuna maray qaliiin halka askartii geysatay ay baxsadeen.
Hanad Cali Guuleed oo ah Tifaftiraha Goobjoog TV ayaa sheegay in Sharma’arke ay caloosha uga dhacday xabaddda isaga intaa raciyey “Weriyaha isaga oo shaqada ka baxay, oo gurigiisa u socda ayaa xabadda lagu dhuftay, waxaa uu marayey Isgoyska Siinaay ,waxaa ku dhufatay askar ka tirsan kuwa Dowladda federaalka ah”.




From the comments