Saacadihii tagay dalalka Yurub ugu weyn sida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ku biiray dalalka hakiyey isticmaalka talaalka Oxford Astrazaneca.
Isla noocan talaalka ah, waxaa horay u mamnuucay dalal badan oo Yurub sida Denmark, Norway, Iceland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia iyo ugu dambeeyntii Republic of Ireland.
Thailand oo Asia ah ayaa ka mid ah dalalka mamnuucay, waxaa kale oo qeybo daawadan ah laga diiday Austria iyo Italy.




From the comments