Allaah u naxariisto waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii hore ee difaacca Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr .
Cali-Bayr ayaa wasiirkii gaashaan dhigga ka noqday xukuu madii uu soo magacaabay Ra’isul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi sannadkii 2004.
General Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa hawlgelinta Ciidanka Qaranaka, milatari ataajeega Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga.




From the comments