Maxkamadda ICJ waxay ay goordhaw ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee Badda labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishaan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague, Kuna beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ay shegtay in dhageysiga dacwadda lagu baahin doono barta Internetka ee Maxakamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.
ICJ waxay sheegtay oo kale in xanuunka Covid darteed dhegeysiga dacwaddu uu isugu jiri doono online iyo goobjoog ah.




From the comments