Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweeynihii hore ee dalka ayaa sheegay in tan iyo markii uu talada dalka wareejiyay aysan dowladda wax talaabbo ah u qaadiin sidii loo difaaci lahaa Baddeenna.
Xasan Sheekh Maxamuud oo wareeysi dhinacyo badan taabanay siiyay GoobJoog News ayaa sheegay in jufdiga iyo dadaalka ay dowladda ku bixisay sidii ay u kala fur furi laheyd gobalka Gedo , haddii lagu bixin lahaa in natiijada ay ka fiicnaan laheyd tan maanta .
“Anaga nasiib darrada ugu weyn ee na heeysato waxa waaye horayna waan uga hadlay qadiyadda Badda, dowladdeenna kuma mashquulsana Juhdiga iyo dhaqaalaha iyo waqtiga dowladdeennu ay gelisay Gedo , iyo Jubbaland sidii loo kala fur furi lahaa , haddeey badda gelin laheeyd ani waxaan aaminsanahay waqtigaan in jawaab lahaayn laha xukunna waa dhici lahaay aan qabaa , laakiin dowladda waqti magelin “.




From the comments