Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 17aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mahad Hassan Osman ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar.
Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Guddiyada Dastuurka iyo Xeer Hoosadka Baarlamanka Hirshabelle kaasoo 09 February 2021 xubnaha Guddiyada uu soo Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamanka iyagoona iska dhex doortay Gudoonka Guddiga.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay Baarlamanka muhiim ugu yihiin labadaan Guddi sidoo kalena waxuu Gudoomiyaha xusay in Guddiyada kale ee Golahan uu gacanta ku haayo shaqadooda dhawaan la horkeeni Doono Baarlamanka si ay kalsoonida u siiyaan.




From the comments